Somali American Autism Foundation
Our Mission:
The foundation’s mission is to raise awareness and assist Somali parents with autistic children find available resources, as well as to find out why so many Somali kids born in Minnesota are being diagnosed with autism. The word Autism does not exist in Somalia and we have never seen anything like this high rate before. There is something about Somalis children that seem to be so attractive to autism and SAAF’s aim is to get to the bottom of this. We want to assure parents that there is Help and there is Hope for their children. We believe that autism is not just a Somali concern, but a Minnesota concern, an American concern and a global concern. We must work together across borders to solve this global health crises “puzzle” for all of our children’s sake.
In Somali:
Autism waxay taabatay dhuuxeeni iyo dheecaankeeni oo ah caruurteena ilaahay hibada inooga dhigay. Waa in waalidiinta Soomaliyeed ay la da'daalaan caruurtooda oo ay mar walba la tashadaan dhakhtarkooda. Waxan rajaynaynaa in umadda Soomaliyeed ee caruurtoodi autismka qabin ay ogaadaan xanuunka ay waalidiintu dareemayso oo ay na garab istaagaan. Waxaa kale oo muhiim ah in la fahmo autism iyo in waalidka ilmaha dhalay oo kaliya ay xiran yihiin kabo aan cid kale qiyaasin karin. Marka hooyo ama aabo Soomaliyeed dhakhtarku ku yiraahdo ilmahaaga cudurka haya daawadiisa ma hayno, sidaad u daawayn lahayd ma naqaano, waxa keenay ma naqaano - maskaxdaada waxay tagtaa meelo aanad waligaa filan, qalbigaagugana wuxuu taabtaa xanuun aanad waligaa dareemin. Xanaaq, caro, inkiraad iwm ayuu waalid walba dareemaa. Qof aan ilmihiisu autism qabin ma dareemi karo waligiis xitaa hadii uu yahay qof la shaqeeya waxyaabahaas.
Cudur iyo caafimaadba ilaahay baa keena, sidaa daraadeed waa in waalidiinta Soomaaliyeed ee ay caruurtoodu Autismka qabto ku dadaalaan in ay ilmahooda caawiyaan. Hadii uunan ilmahaagu hadlayn, dhakhtarkiisa waydii in speech therapist loo diro. Hadii uu ilmahaagu cunto xun yahay, dhakhtarkiisa waydii in loo diro feeding therapist. Waa muhiim in aad dhakhtarka ilmahaaga wax walba kala tashatid.
Ilaahay baan ka baryaynaa in ay caruurtu noo wada bogsadaan. Insha Allah!